Magaalada dhuusa-mareeb Ee xarunta gobolka gal-gaduud ahna caasimadda Gal-mudug waxaa maanta Lagu soo gaban-gabeeyey Shir Looga Hadlay Amniga Deeganada Gal-mudug Iyo Sidii Kooxda Al-shabaab looga Saari Lahaa Deeganada iyo degmooyinka Ay Kaga Sugan yihiin Gal-mudug.

shirkaan waxaa Kasoo Qayb galay Mas’uuliyin ka Tirsan Maamulka Gal-mudug Oo uu ugu Horreyo wasiirka Wasaaradda Amniga Gal-mudug Iyo xubno Muhim Ah.

Gaban-gabada shirkaan waxaa kasoo qayb galay Saraakiil Ka Socotay Ciidamada Nabad-ilaalinta Midawga africa Ee Amisom.

Sh.max’ed shaakir cali xasan Madaxda Xukuumadda Gal-mudug Oo Ka Hadlay Gaban-gabada Shirkaan ayaa waxa uu sheegay In Shirkaan U jeedka Ugu Weyn Uu Ahaa sidii al-shabaab looga Saari lahaa deeganada ay Kaga Sugan Kuwa Maamulka Gal-mudug