Taliska Ciidamada Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa waxa ay beeniyeen in Askari Mareykan ah looga dilay weerar 19-kii bishan ka dhacay meel ku dhow degaanka Buulo-guduud oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Xoogaga ururka Al-shabaab ayaa shalay waxa ay sheegeen Dagaal ay la galeen Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM iyo kuwa cadaanka Mareykanka in ay ku dileen Askari Mareykan ah iyo Afar Ciidanka AMISOM ah.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay inaanay jirin warkan ka soo baxay Shabaab, ayna bad qabaan dhammaan Ciidamada Mareykanka gaar ahaan kuwa ku sugan degaanada Jubbaland

Afhayeen u hadlay Taliska Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) oo lagu magacaabo Samantha Reho ayaa u sheegay Wakaaladda Xinhua: “Waxaan ka warqabnaa warbixinta iyo Dagaalka dhacay, laakiin waa khalad oo waa been in khasaare uu ina soo gaaray.

Ugu dambeyn Mareykanka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ay weeraro ka geystaan saldhigyo Shabaab ay leeyihiin, ayna sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Ciidamada Dowladda Federaalka, si Shabaab looga guuleysto.

6-dii May 2017-kii Shabaab ayaa Dagaal ay la galeen Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya kuwa Mareykanka waxa ay ku dileen Askari Mareykan ahaa, kaasi oo ay soo bandhigeen xilligaasi sawiradiisa.

Ciidamada Mareykanka ayaa qaada hawlgalada qorsheysan ee lagu weeraro deganada ay gacanta ku hayaan Ururka Al Shabaab, iyagoo ciidanka adeegsanaya diyaarado Helicoptero ah.