Aqalka cad ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in wakiilo ka socday Kuuriyada Waqooyi ay isaga baxeen kulan ay la yeelan lahaayeen madaxwayna ku xigeenka Mareykanka Mike Pence,.

Ergada ayaa isaga baxay kulanka wax ka yar laba saacadood ka hor inta uusan billaaban.

Waxaa lagu waday in kulankan uu ka dhaco caasimadda Kuuriyada Waqooyi ee Seoul.

Kulanka ayaa la baajiyay ka dib markii madaxwayna ku xigeenka mareykankanka Mike Pence uu cambaareeyay tacadiyada xuquuqa aadanaha ee Kuuriyada wuqooyi uuna ku dhawaaq qorsha cunaqabatyn cusub oo dhaqaale oo loogu soo rogayo.

Mr Pence ayaa lagu waday in uu kulan la qaadato ergada Pyongyang oo ay ku jirto Kim Yo Jong oo ah gabadh la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi.

Ma jirto ilaa iyo imika wax war ah oo ka soo baxay dhanka Kuuriyada Waqooyi oo ku saabsan kulanka la baajiyay.