Sh. Max’ed Shaakir Cali Xasan Madaxda Xukuumadda Maamulka Gal-mudug ayaa goor Dhaw waxa uu Gaaray magaalada Cadaado Ee xarunta Baarlamanka Gal-mudug.
Sh.max’ed Shaakir ayaa waxa uu ka amba-baxay Magaalada dhuusa-mareeb Ee xarunta Gobolka Gal-gaduud ahna caasimadda Maamulka Gal-mudug.
Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha Maamulka gal-mudug Cumar Max’ed Diiriye Cumar Guurreeye Oo Faah-faahin Ka Bixinayey Ujeedka Wafiga Uu Hogaaminayo Sh.shaakir ayaa waxa uu sheegay in Uu Ka Qayb Geli Doonaa Aaska Nabadoon Axmed Diiriye Cali Oo Habeen Ka Hor Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho Ee caasimadda Soomaaliya.
Wasiiru Dawlaha ayaa waxa uu sheegay In Saacadaha Soo socda Garoonka Cadaado laga Soo Dejin Doono Meydka Nabadoon Axmed diiriye waxa uuna shegay in ay la socdaan Wefi Heer Federaal ah Oo ay Ka Mid yihiin Wasiirada Arrimaha Gudaha Iyo federaalka Soomaaliya iyo Sidoo kale Kan amniga Soomaaliya.
Sidoo kale Waxa uu tilmaamay in wefdiga Uu Qayb Ka Yahay Madaxweynaha Maamulka Gal-mudug axmed ducaalle Geelle Xaaf isagoona hadalkiisa Ku daray in Marxuumka lagu aasi Doono deegaanka Gidheys Oo 15KM Dhanka bari Kaga Beegan Xarunta Baarlamaanka Gal-mudug Ee cadaado.