Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku jira xabsiyada dalka Libya, kuwaasi oo u kala baxsan laba qaybood kuwa gacanta ugu jira kooxaha Soomaalida ay u yaqaan Magafe iyo kuwa ku jira gacanta xabsiyada dowladda.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhalinyaradaasi ku dhibaateysan dalka Libya waxa ay u xilsaartay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Abmassador Ali Siciid Fiqi inuu warbixin ka keeno, sidoo kalena intii daneynaysa in Soomaaliya dib loogu soo celiyo dowladda ay soo qaado.
Danjire Ali Fiqi iyo Koox la socotay ayaa waxa ay booqdeen Xabsiga Khubz oo ku yaal meel 93 KM u jirta Caasimada Libya ee Tripoli, halkaasi oo ay ku xirnaayeen 83 ruux oo dhalinyaro Gabdho iyo Wiilal isugu jira.
Mid kasta oo ka mid ah dhalinyaradaasi wuxuu la kulmay tacadi ay u gaysteen Kooxaha loo bixiyay Magafayaasha, qaarkood waxa ay ka sheekeynaayay dhacdooyin murugo leh, sida saaxiibadood oo hortooda ku nafbaxay maydkoodana ay ka tageen.
Hadaba iyadoo ay jiraan dhibaatadaasi oo waliba dhalinyaradan hadleysa ay ku jiraan xabsiyo dowladda ay gacanta ku hayso, haddana ma doonayaan in dalkooda hooyo dib loogu soo celiyo oo mid kasta wuxuu sheegayaa dhibaatadii uu soo maray inuusan dooneyn in dalkiisa dib uu ugu laabto, hadana dhalinyarada ayeey uga digayaan in Libya ay u tahriibaan.
Mid kasta oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee Xabsiyada dalka Libya ku jira wuxuu ku fekerayaa inuusan Soomaaliya dib ugu soo laaban, isaga oo aan gaarin hadafkii uu u baxay, marka la eego qarashaadka badan ee waalidkiisa ay ku bixiyeen oo looga sii daayay gacanta magafayaasha dalka Libya.
Dhalinyarada ayaanan u muuqan qatarta ay kala kulmi karaan badda u dhaxeysa Libya iyo Talyaaniga oo saacado naxdin badan la dhex soconaayo, hadii uu Alle qofka ka badbaadiyo, laakiin hamigooda ayaa ah kaliya gaarista dalalka Yurub oo mid kasta habeenkii uu ku seexdo subaxdiina uu ku soo tooso inuu gaaro hadafkaasi.
Qaarkood xabsiyada dalka Libya waxa ay ku jiraan saddex sano iyo ka badan, walina ma aysan quusan oo ma doonayaan in xabsigaasi laga soo saaro oo dalkooda dib loogu soo celiyo, balse ishooda ayaa doonaysa inay mar un qabato iyaga oo dhex taagan dalka ka mid dalalka Yurubta si ay ugu noolaadaan.
Iyadoo ay jiraan dhibaatooyinkaasi badan oo ay la kulmeen dhalinyarada, haddana ma doonayaan in Soomaaliya ay ku soo laabtaan, waxayna tahay sababta ugu wayn mid kasta waalidkiisa inuu ka dhiibay qarash badan oo magafe looga furtay, uuna ku fekeraayo in dalka uusan ku laaban isaga oo hadafkii uu u baxay uusan gaarin.
Boqolaal ayeey gaarayaan Soomaalida ku xiran dalka Libya, balse dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkan gudihiisa Sabtidiii Muqdisho waxa ay keentay 11 ruux oo ka mid ahaa Soomaalida libya ku dhibaateysan, balse doortay in dalkooda dib ay ugu soo laabtaan