Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ay jiraan caruur si sharci daro ah loogu xir-xiro isla markaana lagu saaro Maxkamado Militari gudaha Soomaaliya, kuwaas oo lagu eedeeyo inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Warbixintan oo ka koobneyd 80 bog ciwaana looga dhigay mar walbaa waa sida in aan xabsi ku jirno oo kale gabood fallo ay Human Rights Watch ku sheegtay in loo geystay caruurta ay askareeyaan Al-shabaab ee ay Ciidamada Dowladda ku soo qabtaan Howlgalada.

HRW ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ay balan qaaday caruurta ay ku soo qabato Howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ay u gacan gelin doonto Hay’adda QM u qaabilsan Daryeelka Caruurta ee UNICEF si dhaqan celin loogu sameeyo.

Muddo Todobaad ah ayay ku qaadatay Wakiilo ka socday QM iyo dadka u ololeeya dhowrista xuquuqda caruurta u soo gacan gelinta 36 caruur ah oo Ciidamada Dowladda ka soo qabteen ururka Al-shabaab, sida warbixinta lagu sheegay.

Cilmi bare sare oo ka tirsan xafiiska Human Rights Watch ee Africa islamarkaana ah qoraaga warbixintan ayaa sheegtay caruurta ay soo dhibaateeyaan Shabaab ay xad gudubyo iyo dhibaatooyin kale kala kulmaan xabsiyada Dowladda.

Warbixinta ayaa sidoo kale soo jeedineysa in caruurta loo heysto dambiyada waa weyn, Maxkamadeyntoodana loo wareejiyo Maxkamadaha madaniga ah, sidoo kalena inta la dul dhigi lahaa ciqaab adag loogu bedeli lahaa dhaqan celin.