Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Gudiyada joogtada ee Golaha Shacabka ayaa waxa ay u xilsaareen gudiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga in ay dhageystaan Cabashada Ganacsatada Muqdisho ay ka qabaan Canshuur kordhinta lagu sameeyey.

Gudiga ayaa soo saaray War-Saxaafadeed ay uga hadlayeen jawaab bixinta cabashadii ka timid Ganacsatada,waxa ayna ugu horeyn sharcidaro ku tilaameen Cansuurta Iibka ee lagu kordhiyay Ganacsatada oo ah 5%.

War-Saxaafadeedka oo ka koobnaa 5 Qodob ayaa sidoo kale Gudigu waxa ay Wasaaradda Maaliyadda ka dalbadeen in 30 bisha April ay horkeento Baarlamaanka Soomaaliya,isla markaana aan sharci noqon doonin Canshuurtaas hadii aan Baarlamanka la marsiin.

 

 

 

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka ay Gudigu soo saareen.