Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan waxba ka jirin warbixin 80 bog koobneyd oo ay soo saartay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch.

HRW ayaa warbixin ay soo saartay maanta waxa ay ku sheegtay in Dowladda Federaalka ay Maxkamad Millitari soo saarto caruurta yar ee aan qaan gaarin, kuwaasi oo loo geysto tacadiyo kala duwan.

Sidoo kale Hay’adda HWR Ayaa sheegtay in Carurrta Si Qaldan Loo Saaro Maxkamado Millatari Taas Oo Ah dhibaato Soo Wajahday Dhalin-yarada Soomaaliyeed.

Waxay kaloo sheegtay Human Rights Watch in Dowladda Federaalka ay waalidoontooda u diiday caruur 37 gaareysa oo Ciidamada ammaanka Dowladda ay dhowaan ka soo furteen ururka Al-shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadaa Federaalka Soomaaliya C/casiis Ibraahim (Xildhibaan) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay warbixinta HRW in hal dhinac ay tahay oo aan laga tala gelin cidii ay quseysay.

“markii aan arkay warbixinta waan la yaabay si qaldan ayaana loo baahiyay, waligiina ma aragteen Dowladda Maxkamadeyneysa caruur aan qaan gaarin, waad ogeydeen in 37 caruur ah Dowladdu ay ka soo furatay Shabaab.” Ayuu yiri C/casiis (Xildhibaan).

Maxkamadaha ku yaalla dalka ayaa mararka qaar Dhalinyarada laga soo qabto Al-shabaab ee u muuqda in aysan gaarin Maxkamad Millitari waxa ay ku ridaa xukuno aan laga fiirsan.