Dowladda hoose ee Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa hakad geliyay shaqada Bajaajta ee Magaaladaas kaddib markii Bajaajlayaasha lagu helay in ay ku lug leeyihiin fowdo dhinaca amni darrada ah oo ka socota Magaalada.

Maxamuud Cali gurey Xog-haya Dawladda Hoose magalada garoowe Ee xarunta gobolka Nugaal Ahna caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay In Wada-yaasha bajaajta ay qasayaan Magaalada Waxa uuna ku eedeyey In Ay Xireen Isku-socodka magaalada garoowe.

Xoghayaha dowladda hoose ee Magaalada Garoowe Maxamuud Cali Gureey ayaa sheegay inay xir xireen boqolaal Bajaajley ah iyaga oo Bajaajyadiina Garaash ku xareeyay kaddib markii Ragga ku shaqeysta Bajaajta ay diideen wada shaqeynta dowladda hoose.

Waxa uu sheegay sidoo kale in Ay Ka Dhega adeegeenm Shruucda Wadooyinka Magaalada.

Bajaajta Garoowe ayuu sheegay in habeenkii laga furo Targada laguna dhoco Haweenka ka adeeganaya suuqa,sidoo kale waxaa uu xusay in Bajaajlayaasha ay jebiyeen amarka dowladda hoose oo ahaa in meelo gaar ah oo loo cayimay ay ka rartaan sida Boosteejada oo kale taasna ay socon weysay.

Markii ay dhowr jeer  u yeereen Milkiilayaasha ayuu sheegay in tiro yar ay aqbashay islamarkaana inta badan ay diideen in ay tagaan kulankaas,waxaana uu xusay in inta kulankaas tagtay kaliya heystaan fasax ay ku shaqeystaan iyada oo inta kale ay ku jirayaan Garaashyada.