Wararka ka imaanaya Magaalada caasimadda ah Ee Muqdisho ayaa waxa sheegayaan In Maanta ay Xiran Yihiin qaar Ka Mid Ah wadooyinka Magaalada Muqdisho Ee caasimadda dalka.

wadooyinka Ugu Muhiimsan ayaa haatan Xiran Sida la sheegayo Sida Wadada Warshadaha, 30-ka Iyo Wadada Shaqaalaha waxaana hakad Ka Galay isku Socodka gaadiidka qaar Ee Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho.

Shacabka Reer Muqdisho ayaa Intooda Badan Wax Ay isticmaalayaan Socod Dhanka Lugta Ah Maadama Ay wadooyinka Intooda Badan ay xiran Yihiin.

Xirnaashiyaha Wadooyinka Muqdisho ayaa Lagu sheegay in ay tahay Imaanshiyaha Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga Hakan Casuglu Kaas oo safar Ku kala Bixinayey Qaar Ka Mid wadamo dhaca qaaradda africa.