Israa’iil ayaa gacan ka gaysatay ka hortagidda shirqool argagixiso oo lagu doonayay in lagu soo rido sanaddii aanu soo dhaafnay diyaarad ay Australia leedahay, waxaa arrintan xaqiijiya labada dal.

Bishii July, ee aanu soo dhaafnay ayay booliiska dalka Australia waxa ay dacwad ku soo oogeen laba nin oo walaalo ah oo lagu eedeeyay in ay qorshaynayeen in ay qarxiyaan diyaaradda Etihad Airways oo u kala gooshaysay Sydney iyo Dubai.

Khudbad uu rai’sul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ka jeediyay shalay magaalada Qudus ayaa waxa uu ku faanay sirdoonka dalkiisa iyo sida ay uga hortageen “dil aan la qiyaasi karin”.

Laamaha kala duwan ee dowlada ayaa sheegay in qorshahani lala xiriirinayo kooxda la baxday dowladda Islamka.

Booliiska Australia ayaa waxay sheegeen in weerarkan loo adeegsan rabay bambaanada nooca guriyaha lagu sameeyo balse ay ciidamada ammaanka qabteen.

Booliska ayaa waxay sheegeen in marka shirqoolka bambaano uu guuldaraystay ay labada qof ee laga shakisan yahay ay bilaabeen in ay maleegaan shirqool labaad iyaga oo adeegsanaya aalad Kimiko ay ku jirto.

Dhacdadani ayaa waxaa loo xiray laba wiil oo walaalo ah oo asla ahaan ka soo jeeda Lubnaan balse haysta dhalashada Australia.

Labada qof ee la xiray ayaa waxa magacyadooda lagu kala sheegay Khaled Khayat,oo 49 jir ah iyo Maxamuud Khayat, oo 32 jir ah.

“Sirdoonka Israa’iil ayaa fashiliyay qorsha lagu doonayay in lagu soo rido diyaarad, taasi oo ay ka dhalan lahayd dil aan la qiyaasi Karin,” ayuu yiri Mr Netanyahu.