Magaalada kismaayo Ee xarunta Gobolka Jubbada hoose Waxaa Kulan Ku yeeshay Wasaaradda arrimaha Gudaha Iyo hay’adda qaxootiga Maamulka jubbalan.

Agaasimaha Wasaaradda arrimaha Gudaha C/raxmaan cabdi axmed Ayaa Kulanka waxa uu la qaatay Hay’adda Qaxootiga Jubbaland iyo Sidoo Kale hay’ado Ka Socda gobolka.

Ujeedka Kulanka Ayaa waxa uu ahaa Sidii Wax looga Qaban Lahaa Baahiyaha Aas-aasiga Ah Ee Shacabka Ku Dhaqan Deeganada Jubbaland Isagoona Saddexdii Biloodba Mar la Qabto Kulankaan.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Ee Maamulka Jubbaland C/raxmaan Cabdi axmed Oo markuu Soo Gaban-gaboobay ka Dib war-baahinta La Hadlay ayaa waxa uu sheegay In Kulankaan Uu Ahaa Mid Isbarasho Ahaa Iyo Sidii Wax Loogu Qaban Lahaa Shacabka Reer Jubbaland.” Ujeedka kulan waxa uu ahaa in la isbarto iyo sidii loo wada shaqeyn Lahaa iyo isku xirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha” ayuu Yiri C/raxmaan cabdi Axmed agaaasimaha Wasaradda arrimaha Gudaha Jubbaland.

Gaban-gabadii kulankaan ayaa waxa shahaado SHaraf La Gudoonsiiyey dhammaan Dadkii Kasoo qayb galay Kulankaan Sababo La Xariira Wada-shaqeynta Kala Dhaxeysa Wasaaradda arrimaha Gudaha Jubbaland.

Aad waxaan ugu faraxsanahy shahaadada Manata La Isiiyey Ee wasaradda arrimiha Guduhu Isiisay Maadaama aan ahay Qof shaqadiisii Kasoo Baxay Kuna Fir-fircoon Shaqadiisa” Sidaasi Waxa yiri Mid Ka Mid Ah dadkii Shahaado Sharafta la Guddoonsiiyey