waxaa maanta Xarunta madaxtooyada Soomaaliland Ee Hargeysa ka Qabsoomay Kala Fadhigii Lixaad Oo Ay Yeeshaan Golaha Wasiirada Soomaaliland.

Kulankaan waxaa Shir Guddoominayey Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi Waxaana Wehliyey Ku Xigeenkiisa C/raxmaan c/laahi ismaaciil (Zeylici) Waxaana Warbixin Looga Dhageystay Guddiga Nabad-gelyada Ee golaha Wasiirada Soomaaliland taas Oo La Xariirta Dagaallada kusoo Laa-laabtay Beelaha wada-dega Deeganada soomaaliland, kuwaas Oo salka Ku Haya Isqab-qabsiga Dhulka Iyo Aanooyinka qabiil.