Magaalada Muqdisho Berri oo Sabti ah waxaa ka dhaceysa doorashada kursi ka banaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Sida ay horay ushaaciyeen Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka.

Kursigan oo ay leedahay beesha Samaroon (Gadabuursi) ayaa ah kuwa Xildhibaanadiisa ay ka soo galaan deegaanada Somaliland, Waxeyna doorashadooda ka dhacdaa Magaalada Muqdisho.

Waxaa  13-Kii February Sanadii hore ee 2017 ka geeriyooday Allaha unaxariistee Xildhibaan Siciid Xasan Geeddi oo mudo ka soo mid ahaa Baarlamaanka Somaliya.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer, Isagoo Xanuun uga maqnaa doorashadii uu ku guuleystay Madaxweyne Farmaajo.

Doorashadan sida qorshuhu yahay waxaa ku tartamaya laba Musharax oo mid kamid ah uu yahay Wiil uu dhalay Marxuumka kursigan ka geeriyooday.

Fatxi Siciid Xasan geedi ayaa waxaa la tartamaya Musharax kale, Waxeyna ubadantahay inuu kurisgaas ku geeleysan doono Fatxi oo waxaa hadaba Baraha Bulshada lagu sii qorayaa Fariimo loogu sii hanbalyeynayo.

Waxaa jiray Cadaadis uu Musharax Fatxi Siciid Xasan kala kulmayay Wasiirka maaliyada Somaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle oo kursigaas la rabay qof isaga uu wato, wuxuuna ku bixinayay dhaqaale fara badan balse, Madaxtooyada ayaa Wasiir beyle fartay inuu arinkaas isaga haro.

Hadii sida la sii saadaalinayo uu doorashada Sabtida ku soo boxo Fatxi Siciid Xasan, Waxa uu noqonayaa Xildhibaanka ugu da’da yar ee ku jira Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, waana dhalinyaro wax bartay dalkana wax badan ku soo kordhin kara, wuxuuna sii xoojinayaa tirada dhalinyarada ee Baarlamaankan 10-aad Golaha Shacabka soo gashay.

Guddiga Madaxa Banaan ee doorahooyinka ayaa diiwaan galiyay ergada 51 ah ee dooraneysa kursigan, waxeyna usameeyeen aqoonsiyo, iyadoo la siiyay Jadwalka doorahsada berri dheceyso.

Golaha Shacabka oo markii hore ay ka banaanaayeen 4 Kursi ayaa waxaa haatan la buuxiyay laba Kursi oo doorashooyinkooda sanadan ka kala dheceen Magaalooyinka Jowhar iyo kismaayo, halka mida Somailland berri ay ka dhaceyso Muqdisho, waxaana harsanaanaya oo kaliya Kursiga uu ka geeriyooday Alle ha unaxariistee marxuum bootaan Ciise Caalim.