Guddoonka Labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay wafdi uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Jaush Ogolo oo shalay Muqdisho soo gaaray.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa Ka qeyb galay Ra’isul Wasaare Ku xigeenka dalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader), Guddiga saaxiibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya ee Golaha Shacabka Soomaaliya iyo guddig Arrimaha Dibedda ee Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/laahi ayaa Turkiga uga Mahadceliyey taageeradda ay Shacabka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin gaar ahaan sidii ay inoogu soo gurmadeen Musabadii 14 October.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa isna uga mahadceliyey Dowladda Turkiga Mashaariicda Hormarineed ee ay Soomaaliya ka wadaan iyo is garab taagooda Golaha Shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Jaush Ogolo ayaa xalay kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxweynaha Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka, waxayna kala hadleen xiriirka labada dal.