Xilli Maqribnimadii Xalay Qaraxyo Dad Badani Ku Dhinteen Ay ka Dhaceen Magaalada caasimadda ah Ee Muqdisho ayaa Dowladda Turkiga si kulul u cambaareysay Qaraxyadaasi waxaana ay sheegtay in Qaraxyaddaasi ay waxyeelo  Ba’an ay kasoo gaartay dad Shacab ah.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in dowladda Turkiga ay ka qeyb qaadan doonto sidii loo caawin lahaa dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyaddaasi.

Dowladda Turkiga ayaa Alle uga barisay in dadkii ku dhintay Qaraxyaddii xalay ka dhacay Agagaarka Madaxtooyadda iyo meel u dhow Hoteelka Doorbin in uu alle geeyo Janada.

“Turkigu wuxuu sii wadayaa wadashaqeyntiisa adag ee kala dhaxeysa xukuumadda iyo dadka walaalaha ah ee Soomaaliya marka la eego weerarrada argagixisada ee lagu beegsanayo xasiloonida Soomaaliya,” ayaa lagu yiri hadal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Turkiga.

Qaraxyadii Xalay Maqribnimadii ka dhacay Gudaha Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho ayaa waxa ay reebeen Saameyn ballaaran Iyo bur-bur xooggan Oo soo Gaaray Dhismayaashii Ka ag-dhawaa Goobtii ay qaraxyo ka Dhaceen, inkastoo ilaa iyo hadda Aan Si Dhab Ah Loo Ogeyn Khaasaraha dhabta Ah Ee ka Dhashay qaraxyadaasi.