Ugu yaraan 4 ka mid ah Ciidanka Nabad ilaalinta u jooga Dalka Mali kana tirsan Qaramada Midoobey ayaa geeriyooday kaddib markii Gaari ay wateen ay Miino la kacday.

Qaraxaas ayaa ka dhacay Gobolka ku yaalla bartamaha Mali ee Mopti,iyada oo weerarkaas ay afar kale ku dhaawacmeen.

Weerarkaas waxaa uu dhacay maalin kaddib markii lix ka mid ah Ciidamada dowladda Mali ay ku dhinteen weerar kale oo Miino ahaa,waxaana ku dhaawacmay Askar kale.

Howlgalka Qaramada Midoobey ee Mali oo loo yaqaan MUNISMA,ayaa waxaa uu sheegay in uu ka walaacsanyahay weerarrada sii kordhaya ee kooxaha mucaaridka ay geysanayaan.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee howlgalka Maali Maxamed Saalax Anaadiif,ayaa sheegay in Ciidanka Qaramada Midoobey ee Mali jooga uu kordhinayo howlgallada ka dhanka ah kooxaha mucaaridka ah.

Qaramada Midoobey waxaa Maali ka jooga 11,000 oo Askari kuwaas oo dowladda tababrta yar ka taageeraya dagaalka ay kula jirto ururrada Islaamiyiinta ah.

Anaadiif waxaa uu horay madax uga soo noqday howlgalka AMISOM ee Soomaaliya,kaas oo hadda galaya sanadkiisii 11aad.