Warqad Qoraal Ah Oo Kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Dib U Heshiisiinta Maamulka Gal-mudug Ayaa waxa lagu Soo Dhaweeyey Doorashadii Dhawaan Ka Dhacday deeganka Af-barwaaqo Ee Gobolka Mudug Iyo Maamulka Cusub Ee Deegaankaasi.

Warqadaan Oo Ku Taariikheysneyd 25-02-018 ayey wasaaradda arrimaha gudaha Gal-mudug Ku Ansixisay Doorashadii Deegaankasi iyadoona Guddoomiyaha Cusub U Aqoonsatay in uu yahay Mudane C/laahi Jaamac Dhoore Halka Guddoomiye Ku Xigeenka Ay U Ansixisay Mudane bashiir Maxamuud Xuseen