Maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay 8; ka mid ah 13; Maxaabiis lagu eedeeyay Al-shababnimo oo dhawaan ka baxsaday xabsi ku yaalla Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Maxaabiistan qaarkood ayaa laga soo qabtay duleedka Garoowe halka kuwo kalena ay iskood ugu laabteen xarunta kaddib markii sida la sheegayo ay garan waayeen goob ay aadaan.
Maxaabiista baxsatay oo gaareysay 13; ayaa hadda waxaa maqan shan ka mid ah iyada oo wali ay socoto baadi goobka ay Ciidamada amaanka Puntland ugu jiraan qab qabashada Maxaabiistaas.
Dhinaca kale Puntland waxaa ay xabsiga dhigtay qaar ka mid ah ciidanka Asluubta iyo kuwa ilaalada Madaxtooyada Puntland kaddib markii lagu eedeeyay in ay lug ku lahaayeen baxsashada maxaabiistaas.
Askarta la xiray ayaa hadda waxaa ku socda baaritaan la xiriira siideynta lagu eedeynayo,Maxaabiistan ayaa ka mid ahaa kuwii Puntland ay sheegtay in ay ku qabatay dagaalkii iyada iyo Al-shabaab dhexmaray sanadkii 2016kii.