Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mahdi Maxamed Gulleid (Khadar) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Devid Concar.

Kulan muddo saacado ah qaatay ayaa dhexmaray Kusimaha Ra’iisul Wasaarah dalka iyo Safiirka Dowladda Ingiriisa ee Soomaaliya iyagoo ka wada hadlay arrimo ku saabsan iskashiga labada Dal Soomaaliya iyto Britain.

Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha ahna R/wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Gulleid (Khadar)ayaa sheegay in Ingiriisku Soomaaliya ka caawin doono dhinacyadada Dhaqaalaha, Ammaanka iyo dimuqraadiyada.

”Waxaan maanta Xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Dalka Ingiriiska Uqaabilsan Soomaaliya Ambassador David Concar, waxaana ka wada hadalnay xidhiidhka labada dal. Dawladda Ingriiskuna waxay balan qaadeen in ay Soomaaliya Ka caawin doonto dhinacyada Dhaqaalaha, Amaanka iyo Dimuqraadiyadda-ba.” Ayuu yirii R/W xigeenka Dalka.

Dowladda Britain ayaa ka mid ah Dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana Britain ay kaalin ku leedahay taageerada Ciidamada Qalabka Siad ee Soomaaliya iyo guud ahaan hay’adaha kaladuwan ee Dowladda.