Shirkii Golaha Wasiirada dowladda Puntland ee maanta ayaa lagu ansixiyay,xeerarka Habka Hubinta Badeecooyinka iyo kan shaqaalaha rajidka ah ee Puntland,sida ku cad qoraal laga soo saaray shirkaasi.

Xeerka Habka Hubinta Badeecooyinka ayaa looga golleeyahay,sidii looga hortegi lahaa waxyeellada badeecooyinka dhacay iyo kuwa sumaysan ee la soo geliyo degaannada Puntland,halka xeerka shaqaalaha rayidka ahna lagu xoojinayo horumarinta shaqaalaha Puntland.

Dhinca kale madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo shirkaan guddoominayey ayaa Wasaaradda Amniga ku amray in la ilaaliyo xuquuqda askarta ku dhinta difaaca Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale Wasaaradaha ay khuseyso ku amray in la fuliyo dhammaan go’aannada ku aaddan xakameynta khatarta kaalmaha shidaalka ee magaalooyinka Puntland,go’aannadaasi oo ay dhowaan soo gudbiyeen guddi loo xilsaaray.