Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi oo hoggaaminayo oo 26-kii bishan u ambabaxay Imaaraadka Carabta ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ahaa Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Amniga.

Khayre oo warbaahinta la hadlay isaga oo ay labadiisa garbood taagan yihiin Wasiirka Dekedaha iyo Guddoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in Imaaraadka ay kala hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta Ganacsiga, Dhaqaalaha, Amniga iyo sidii dalka looga saari lahaa ururka Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha oo soo hadal qaaday heshiiska Dekeda Berbera ee Saddex geesoodka ahaa ayaa sheegay in uusan qeyb ka aheyn wada hadalka ay la yeesheen Imaaraadka, wuxuuna tilmaamay mowqifka Dowladda ee arrintaasi inuu yahay midka ku cad war-saxaafadeedka Wasiirka Dekedaha Maryan Aweys ee ahaa in Dowladda Federaalka ay sharci daro ku tilmaamtay heshiiska Dekeda.