Dowladda Ingiriiska ayaa Ciidamadeeda u tababaran badbaadinta dadka ku go’doomo barafka ku amartay in ay samata-bixiyaan kumaan qof oo ku go’doomay baraf saacado badan ka da’ayo dalkaasi.

Amarkaan ayaa soo baxay kamdi markii 55 qof ay ku geeriyoodeen Duufaan Baraf wadatay oo ku dhufatay Bariga Yurub.

Boqolaal qof ayaa ku xannibay gawaarida loo yaqaan Tareenada oo ay raacaan dadka isaga kala goobasha wadamada Yurub ee Soohdin wadaagga ah.

Booliiska ayaa sheegay in wadooyinka qaar uu barafka jaray, ayna jiraan dad ku go’doonsan una baahan yihiin in loo gurmado.

Taasi ayaa sababtay wal-walka Xukuumadda London ee ah in la badbaadiyo, Meelaha qaar waxaa la arkayay gaadiidka looga talagalay in ay barafka ka qaadaan wadooyinka go’ay oo iyaga qudhooda uu barafka ku dhegayo.

Diyaaradaha Biyaha kulul ku shuba Barafka si uu u dhalaalo ayaa dhankooda la sheegayaa in ay kici waayeen, kadib markii Cimilada oo isbadalay laga baqay in ay duuli waayaan ama qadka ka baxaan.

Barafkaan ayaa lala barbar dhigay Baraf Dabeylo siday oo 8 sano kahor ku dhuftay qeybo kamid ah Dalalka Yurub, waxa uuna barafkaan ka bilawday Isniintii bartamaha Todobaadkaan Caawa ku eg.