Dowladda Kenya ayaa Magaalada Nairobi ku soo bandhigtay Hub ay sheegtay in ay lahaayeen Al-shabaab,kaas oo uu qorshuhu ahaa in gudaha Magaalada Nairobi weerarro looga fuliyo.

Taliyaha Booliska Joseph Boinnet,ayaa sheegay in Ciidamada amaanka Kenya ay fashiliyeen weerar qorsheysan oo ay Al-shabaab la damacsanaayeen gudaha Magaalada Nairobi.

Waxaa uu Ciidamada Booliska iyo kuwa la dagaallanka Argagixisada ayaa howlgallo ka sameeyay Magaalada Nairobi,waxaana ay ku qab qabteen dhallinyaro ay ku sheegeen in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab iyo Hub ay sheegeen in loo qorsheynayay in weerar lagu geysto.

Dhallinyarada loo qab qabtay waxaa lagu sheegay in qaar kood laga qabtay Magaalada Merti, ee Degaanka Isiolo,halka kuwo kalena kaga qabtay gudaha Nairobi,iyaga oo Hotel ka kireystay meel u dhow xarunta Booliska ee Nairobi.

Hubka lagu soo bandhigay Nairobi waxaa ka mid ah 10kg oo ah maaddada  laga sameyn karo qaraxyada ee TNT,hubka fud fudud,Bambooyin iyo Calanka Al-shabaab.

Taliyaha Booliska Kenya Joseph Boinnet,ayaa madasha ka sheegay in haddii AL-shabaab ay ku guuleysan lahaayeen  fulinta Qaraxa Maaddada TNT ay bur buri lahaayeen Guryo badan,boqolaal qofna ay dhiman lahaayeen sidoo kalena dhul gaaraya 250 Mitir uu go’i lahaa.

Waxaa uu sheegay in hal kiilo oo ka mid ah Maaddada TNT,ay bur burin karto 11 Mitir,iyada oo 10ka KG ee la qabtay ay baabi’in lahaayeen dhul ballaaran,taas oo sababi lahayd mashquulka waddooyinka iyo weerarro kale oo laga faa’ideysan karo.

Waxaa kale oo uu sheegay in haddii weerar kaan lagu guuleysan lahaa uu saameyn taban ku yeelan lahaa dhaqaalaha,maalgashiga la weyn lahaa,Dalxiiska istaagi lahaa cabsi badanna abuuri lahaa hayeeshee ay Ciidamada amaanka ka hortageem.