Guddoomiyayaashii Xarakada Al-shabab u qaabilsanaa Gobollada Gedo iyo Baay ee Soomaaliya ayaa isku dhiibay Dowladda Federaalka ah.

Labada Guddoomiye Gobol ayaa wata isu geyn 30 dagaallame waxaana ay isku dhiibeen dowladda Federaalka ah iyaga iyo Ciidamadooda.

Labada Guddoomiye ee isdhiibay waxaa lagu kala magacaabaa Macallin Geeddoow Abuukar oo ahaa Guddoomiyihii Al-shabaab ee Gobolka Baay iyo C/Raxmaan Fiinloow oo ahaa Guddoomiyaha AL-shabaab ee Gobolka Gedo.

Macallin Geeddoow Abuukar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ka faa’deysanayeen cafiska dowladda Federaalka ah ay siisay.

Waxaa uu sheegay in ka bixistooda Al-shabaab ay sabab u tahay kaddib markii ay korortay dhibaatada ay Al-shabaab ku hayaan dadka shacabka ah sidoo kalena war laga dhegeysan waayay sida uu yiri.

Labada Guddoomiye Gobol ayaa xalay isu dhiibay Dowladda Federaalka ah waxaana ka bixistooda Al-shabaab ay shalay dagallameen Ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo isku dayay in ay khaarijiyaan.

Macallin Geeddoow waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dowladda Federaalka ah ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab ee ka socda Dalka.