Khubarada dhinaca Dhulka ah ayaa sheegaya in Qaaradda Afrika ay dhawaan weyn karto qeybteeda Bari ee ay Soomaaliya ka mid tahay.

Arrintan waxaa la sheegayaa in ay u dhaceyso si ka dhow sidii la filayay,qeyb ka mid ah dalalka Kenya,Itoobiyo iyo Tanzania ayaa iyagu kala qeybsami doona halka Soomaaliya ay ugu weyn tahay kala qeybsanka Qaaradda Afrika.

Sawir ay Khubarrada ka sameeyeen ayaa muujinaya in kala qeybsanka Qaaradda ay sababi karto in Itoobiya ay hesho Bad,islamarkaana Soomaaliya,qeyb ka mid ah Kenya iyo Itoobiyana ay noqdaan Jasiirad raacsan Badweynta Hindiya sida ka muuqata sawir lagu cabbiray.

David Adede; oo ah nin bartay Cilmiga Jiyolojiga ayaa sheegaya in Waddooyinka oo quusaya ama jeexmaya ay sabab u tahay kala go’a Qaaradda isaga oo sheegaya in arrintaas ay sabab u tahay musiibo dabiici ah oo ay Volkaano ka dambeyso.

Waxaa uu Hay’adaha Caalamiga ah ee Dhinaca Jiyooloojiga ka codsaday in ay sameeyaan cilmi baaris deg deg ah oo arrintan lagu ogaanayo si looga gaashaanto haddii ay qatar badan leedahay.

Kala qeybsanka Qaaradda qeybta ay hoggaaminayo Soomaaliya ayaa si tartiib tartiib ah 2.5CM uga durkaya dhulka intiisa kale,halkaas oo la filayo in ay ballaarato islamarkaana ay ka dhalato Bad kala qeybisa qaaradda Afrika.

Magacyada ay kala qaadanayaan ayaa kala  noqonaya  Nubian plate and the Somali plate,tani waxaa ay hadda walaac badan ku heysaa Khubarrada dhinaca Cilmiga dhulka.