Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dhaqan gelinta go’aanka Baarlamaanka ee ku saabsanaa shirkadda DP World.
Wasiirka ayaa sheegtay in dhaqan gelinta go’aankan ay ka harsan tahay oo kaliya in Baarlamaanka Soomaaliya ay u gudbiyaan Madaxweyne Farmaajo si uu saxiixo.
“Tallaabada aan qaadnay shacabka Soomaaliyeed iyo Caalamkuba waa la socdaan, Raiisul Wasaarahuna si cad ayuu u soo bandhigay, balse haatan waxa la sugayo ayaa ah in howsha rasmiga ah ee dhinaca Baarlamaanka jirta markii ay soo gaba gaboowdo loo gudbiyo Madaxweynaha, kaddibna uu dhaqan geliyo go’aanka labada Aqal ee Baarlamaanka.” ayey tiri Wasiir Maryan Aweys Jaamac.
Hadalka Wasiir Maryan ayaa imaanaya xilli maalmihii u danbeeyay Golaha Shacabka ay ku mashquuleen Mooshin laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari, taasi oo dib u dhigtay in Xeerka dalka looga mamnuucay shirkadda DP World loo gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo si uu u saxiixo.
“Xeerka Dhowridda Gobonimada iyo Midnimada Gayiga Soomaaliya” ee shirkadda DP World dalka looga mamnuucay ayaa horay waxaa u ansixiyay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Golaha Shacabka iyo Aqalka sare, waxaana hadda keliya u harsan in Golaha Shacabka u gudbiyo Madaxweynaha Soomaaliya si uu u saxiixo.
Ugu dambeyntii,Wasiirka oo hadalkaan ka sheegtay shir jiraa’id ay ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa waxay ku celisay in Xukuumadda Soomaaliya wali go’aanka ay ka qaadatay shirkadda DP World uu meeshiisii taagan yahay.