Wararka naga soogaaray Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka Ayaa awaxa ay sheegayaan in xaafada Ood Wayne Ee dagmada Dayniile Uu Kadhacay Qarax Gaystay Qasaare Dhimasho Iyo Daawac Iskugu Jira.
Qaraxa Ayaa Waxa Uu si Gaar ah Uga Dhacay Halka loo Yaqaan kala Wareega Oo Aad u Mashquul badan.
Goob-joogayaal Ku Sugan Goobta Uu Qaraxu Ka Dhacay Ayaa Xaqiijiyey In Qaraxa Ay ku Geeriyoodeen Ilaa Iyo 6-Ruux Oo Afar ka Mid Ah Ay ahaayeen Askar ka Tirsan Ciidan Dawladda Soomaaliya.
Sidoo kale Goob-joogahaan ayaa Waxa Uu Tilmaamay In Qarax Ay Ku Naf waayeen Labo Ruux Oo shacab Halka Afarka Kalena Ay ku dhaawacmeen.
Qaraxa Ka Dib Waxaa Goobta Soo Gaaray Ciidanka Dawladda Soomaaliya Oo isku Gadaamay Halka Uu Qaraxu Ka dhacay.
Haatan waxaa Goobta Uu Qaraxu Ka Dhacay Ku Sugan Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dawladda Soomaaliya Inkastoo Illaa Iyo Hadda Aysan Jirin Wax Hawl-gal Ah Oo Sameeyeen
Waa qaraxii Saddexaad Oo Muddo 48-saac Gudahood Ah Ka Dhaca Magaalada caasimadda Ah Muqdisho Shalay Abaara 04:00 Galabnimo Qarax Ayaa Sidaan Oo Kale Waxa Uu Ka Dhacay isgoyska Zayidka Oo Ah Halka Laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya Isla-shalay Sidaas Oo Kale Deegaanka Siinka Dheer Ee Duleedka Muqdisho Gaari nuuca Raaxada Ah Ayaa Ku qarxay.