Dekadda weyn ee Maagalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in lagu qabtay Kunteenar Qamri ah kaas oo saarnaa Gaari xamuul ah oo la doonayay in uu gudaha Magaalada so geliyo.
Ciidamada ku sugan Dakadda Muqdisho ee Koontaroolka ku sameeya qalabka kala duwan ee ka soo dakadda, ayaa ku guulaystay soo gudbinta macluumaadka la xiriira Kunteenarka Qamriga uu ka buuxay.
Saraakiisha ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida ee ka hawlgala Dekadda Muqdisho, ayaa amray in Khamrigaan aanan laga bixin Karin Dakadda, waxaana lagu wadaa in Saxaafadda loo soo bandhigo.
Dakadda Magaalada Muqdisho, ayaa dhawr mar sidaan oo kale waxaa loogu qabtay khamri kala duwan oo ganacsato ay kala soo dageen Dakadda, kuwaasi oo rabay in Magaalada gudaheeda ay soo galiyaan.