Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay dhiggiisa kenya, iyagoona ka wada hadlay Xiisaha Soohdinta la xiriira ee ka dhaxeeya labada dal.
Wasiir Cawad oo la hadlay BBC-da kulankooda kadib ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen in la hormariyo iskaashiga labada dal ka dhaxeeyo, xoojinta waxyaabihii ay kawada hadleen labada Madaxweyne ee ahaa joojinta dhismaha Darbiga kenya.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay isla meel dhigeen dib usoo celinta guddiyo kale oo ka shaqeeyo, cusbooneesiinta wasiiradii 2016-kii loo sameeyay in ay kulmaan, kuna wada hadlaan Magaalada Mandheera.
Waa uu Sii hadlay waxa uuna sheegay in dhibka taagan uu kaliya yahay darbiga kenya ay dhisaneyso balse aanan taagneen xiisad ku qotonta Dhinaca Xuduudda.
Maslaxadda dadka kunool Labada Magaalo ayuu tilmaamay in ay kawada shaqeynayaan, iyanna dadka deegaanka ay qaataan kaalinta kaga aadan.
Qorshaha ayaa ah in Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay wada hadal toos ah ka wada yeeshaan, waxayna Wasiirada arrimaha dibadda labadaan dal si ay kaga wada hadlaan Dhismaha Darbiga ee Xukuumadda Nairobi ka waddo Magaalada Baladxaawo.