Wareegto ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Shaqa joojin KMG ah lagu sameeyey xogheyaha guud ee Golaha Shacabka Cabdi Kariin Xaaji Cabdi Buux.

Wareegtada oo ku taariikheysan 2 Bisha Apriil oo Maanta ku beegan ayaa waxaa lagu sheegay in Shaqa joojin KMG ah lagu sameeyey Xoghaye Buux iyada oo la amray in si KMG ah uu Shaqada u sii wado  ku xigeenkiisa Maxamed Cabdullaahi Cabdi Ciyoow.

Sababta Shaqa joojinta ayaa waxaa lagu sheegay in  Xoghaye Buux uu faraha la soo galay Arrimaha Siyaasadeed ee waqtigaan dalka ka jira sidaasna Shaqada looga joojiyey.

 

Hoos Ka Akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey.