Wararka inaga soo gaaraya degaanka Buusaar ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda iyo ururka Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii rag ka tirsan Shabaab ay weerareen Saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka degaanka ayaa sheegay in xalay ay ku seexdeen cabsi iyo walwal la xiriira in markale uu dagaal ka dhaco deegaanka, kaasi oo u dhaxeeya Ciidanka Dowladda iyo Shabaab.
Ilaa hadda si dhab ah looma xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse waxaa jira khasaare soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.
Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa yiri “Dagaalka wuuu cuslaa waan ka seexan waynay, saqdii dhexe ayaan maqalnay rasaas kala duwan oo ka dhaceysa Magaalada, haa waa jiraan dad shacab ah baan maqlaayay oo rasaas guryahooda ugu tagtay ku waxyeeloobay, saaka xaaladda waa ay degan tahay.”