Iyada oo Magaalada Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa Madaxda ugu sarreysay Dalka ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in maanta Magaalada Muqdisho ay soo  gaarayaan Madax ka socota Beesha  Caalamka kuwaas oo dabeeya xaaladda Soomaaliya.

Xubnaha ka imanaya Dalka dibaddiisa ayaa la sheegayaa in ay xiriirro la sameeyeen dhinacyada isku haya Siyaasadda Soomaaliya iyaga oo kula taliyay in arrinta si hoose loo xalliyo.

Wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku guul darreysteen in arrintan ay dhameeyaan waxaana ay isugu biya shubatay Ragga uga sarreeya arrimaha Soomaaliya.

Tan iyo 14kii March Magaalada Muqdisho waxaa ay wajaheysaa buuq siyaasadeed iyada oo madaxda Guddoonka Golaha shacabka uu khilaaf u dhaxeeyo.

Guddoomiyaha Goalaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa mooshinka isaga ka dhanka ah ku eedeeyay Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre,kaas oo aan ilaa hadda marna soo hadal qaadin muranka siyaasadeed ee ka jira Muqdisho.