Shirka Golaha Wasiirada Maamulka Puntland oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga, xaaladaha bani’aadanimo iyo xiisada siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Muqdisho.

Waxay sheegeen Golaha Wasiirada oo aad uga dooday xiisada siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho in khilaafkan hadii uu sii socdo uu wax u dhimayo qaranimada Soomaaliya.