Ciidamadii Xasilinta ee ku sugnaa qeybo badan oo ka mid ah Isgoysyadda Magaalada Muqdisho ayaa maanta ka guuray dhowr barkontorool oo ku yaalla Gudaha magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadu ay ka guureen fariisimadii Seybiyaano, Digfeer, Tarabuunka, Shiikh Cali Suufi iyo Howl wadaag.

Ciidamada Xasilinta ayaa 6 bilood ee lasoo dhaafay howlgallo ka waday magaalada Muqdisho.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamada ay u guureen Kontoroolada Banaanka ka ah Magaalada Muqdisho.

Warar kale ayaa sheegaya Goobihii laga qaaday ciidamadii xasilinta  in la dhigaayo ciidamo Boolis ah.