Roobabkii Maalmahii U Dambeeyey Ka Da’ Ayey Deegaano Iyo Degmooyin Ka Tirsan Kuwa Maamulka Hir-shabeelle ayaa lagu Soo Warramayaa In Ay Saameyn Ku Yeesheen Dadka Reer Guuraga Ah Ee Ku Dhaqan Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanada Uu Roobka Sida Daran U Saameeyey Ayaa Waxaa Ka Mid Ah Deegano Dhawr Ah Oo hoos Taga Degmada Balcad Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Webiga Shabeelle Ayaa Lagu Soo Warramayaa In Uu Deegaanadaas Ka Fatahay Isla-markaana Uu Saameyn Ballaaran Ku Yeeshay Dadka Beeraaleyda Ee Ku Dhaqan Halkaasi.

Cabdulle Macaan Adeerow Guddoomiyaha Deegaanka Xawadley Ee Gobiolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa uu sheegay In Ka Cabsi Qabaan In Sii Korodho Khasaaraha Ka Dhaqalan Kara Fatahaada Biyaha Webiga.

Waxa uu Sheegay In Ay Hadda Fatahaadu Baa bi’isay Dalag Badan Oo Ay Qorsheenayaan Dadka Beerelyda Agh In Ay Beertaan waxa uuna Intaa Ku Daray In Laga Cabsi Qabo In Fatahaada Ay Ka Dhalato Khaasaro Nafeed.

Ugu Dambeyntii Ayuu Waxa UU Baaq U Diray Maamulka Hir-shabeelle Hay’adaha Samafalka Iyo Dwaladda Dhexe waxa uuna Ka Dalbaday In Ay Wax Muuqda U Qabtaan.

Inta Badan Webiga Shabeelle Ee Mara Deegaano Iyo Degmooyin Ka Tirsan Hir-shabeelle ayaa Sida Caadada Ah Xilliyada Roobka Waxa uu Sameeyaa Fatahaado Saameyn Ku Yeesha Dadka Iyo Duunyada Ku Nool Webiga Jiinkiisa.