Dowladda Uganda ayaa beenisay in ay Ciidamo u direyso Dalka Yemen si ay beddel ugu noqdaan Ciidamada Dalka Suudaan ee la sheegayo in ay ka baxayaan Isbaheysiga uu Sucuudiga hoggaamiyo ee ka dagaallama Dalka Yemen.

“Ma jiro wax wadahadal ah oo ay dowladda Uganda kula jirto Imaaraadka si Ciidamada Uganda loogu diro Dalka Yemen” ayuu yiri Wasiiru dowlaha xiriirka Dibadda Uganda Henry Okilo-Oryam.

Henry Okilo-Oryam, ayaa sidoo kale yiri “Ciidankeenna ku sugan Soomaaliya waa ciidan Afrikaan ah,in Yemen loo wareejinaya ka mid ma’ha ujeedada aan markii horeba ugu dirnay Soomaaliya”.

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidamada Uganda ayaa isaguna beeniyay in Ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya qeyb ka mid ah loo daabulayo Dalka Yemen si ay ugu biiraan Isbaheysiga Yemen dagaalka ka wada.

Wargeyska  Arab newspaper ,ayaa markii hore baahiyay in Xubnoo ka mid ah Dowladda Imaaraadka ay kala xaajoonayaan Uganda in 6,000 oo Askari ay ka bixiso Soomaaliya, 2,000 oo ka mid ahna loo wareejiyo Dalka Yemen.

Waxaa kale oo iyana warbaahinta Carabto qoreen in dhaxal sugaha Abu Dhabi Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan , uu  booqanayo dalka Uganda isaga oo dowladda Dalkaas kala hadlaya sidii 8,000 oo Askarta Uganda ah loogu diri lahaa dalka Yemen.

Booqashada dhaxal sugaha ee Uganda ayaa dib u dhacday labo jeer,markii hore waxaa ay ahayd Februay, dib ayaa loo dhigay,haddana March ayaa la qorsheeyay dib ayaa mar kale loo dhigay ilaa waqti aan la cayimin.

Dowladda Imaaraadka oo arrintan lagu hadalhayo wali kama jawaabin wararka ay qorayaan Warbaahinta Khaliijka iyo midda Bariga Afrika.