Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa la sheegayaa in 4,000 oo qoys ay ka barakaceen Magaalada kaddib fatahaad uu wabiga ka sameeyay Magaalada.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Madaxweynaha Hirshabeelle oo xalay ku shiray Beledweyne ayaa sheegay in Barakacayaasha ay u baxeen banaanka Magaalada halkaas oo ay duruuf adag ku heysato.

Maamulka Hirshabeelle iyo kan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay baaq u direen Hay’adaha samafalka ee gargaarka sameeya,waxaana uu ugu baaqay in dadkaas wax loo qabto.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in degaannada ay u barakaceen dadka Magaalada Beledweyne ay ka midyihiin Ceeljaalle, Ceel Gaal iyo Meelo kale oo duleedyada Beledweyne ah.

Sanadkasta xilliga Roobka ayuu wabiga keenaa biyo badan waxaana uu saameyn ku yeeshaa nolosha dadka Magalaada Beledweyne iyo Dadka beera falatada ah.