Wararka Ka Imaanaya magaalada Muqdisho ayaa Waxa Ay Sheegayaan in Xafiiska Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya loo Magacaabay Agaasime Cusub oo dhanka Warfaafinta ah,waxana xilkaas loo Magacaabay Yacquub Maxamed Cabdalla.

Warar hoose Oo Soo Baxaya Ayaa waxa ay sheega in Yacquub Maxamed Cabdalla uu mar soo noqday  ku xigeenkii hore ee Duqa Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Yacquub Maxamed Cabdalla a yaa Sanadkii 2014,kii waxa uu ku xigeen u ahaa Duqii hore ee degmada Gaalkacyo Maamulka Puntland Cabdi Casiis Jaamac Nugaal,kadib doorasho Golle deegaan oo lagu qabtay Magalada Gaalkacyo.

Yacquub Maxamed Cabdala ayaa sidoo kale ka mid ahaa Wariyaasha ugu caansan gobolka Mudug,isaga oo howlgeli jiray Radio Gaalkacyo sidoo kalena Halkaasi Wakiil uga ahaa Tv-ga Universal.

Magacaabista Agaasimahaan xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Ee Dhanka War-faafinta Ah ayaa Waxa Ay Kusoo Beegmeysaa Xilli Ay Boosas Badan Ka Banaan Yihiin Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya Inkastoo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre Oo Qorsheynayo In Uu Isku Shaandheyn Ku Sameeyo Golihiisa Wasiirada.