Inta la xaqiijiyay 3 ruux ayaa ku geeriyootay ka dib markii Saakay Magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah Sidda aywarbaahinta ay  u xaqiijiyeen maamulka gobolka Mudug.

Dadka dhintay Badankooda ayaa

Askar ka tirsan ciidamada Isku dhafka ah ee Gaalkacyo ka howlgalaayay Bilihii  lasoo dhaafay.

Ruux Isku soo xiray Waxyaaha Qarxa ayaa beegsaday gaari ay saarnaayeen Saraakiil ka tirsan ciidamada isku dhaf ah sidda ay sheegeen maamulka gobolka Mudug.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah  Gaashaanle Sare Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye) oo ahaa taliyihii ciidamada Milatariga ee Isku dhafka ahaa ee gobolka Mudug ee ka howlgalaayay Gaalkacyo iyo  C/qani Axmed Geyre oo Kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka.