Sarkaal ka tirsan xafiiska madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijiyay Goobta lagu tijaabiyo nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi in la xiri doonaa bisha May ee foodda inagu soo haysa.

Afhayeen ayaa sheegay in xiritaanka goobta Punggye-ri uu u dhici doono qaab cad oo aanay cidina ka qorsoonayn, iyadoo sidoo kale goobta lagu casuumi doono khubaro ajaanib ah oo ka kala socda Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka si ay u daawadaan xafladda xiritaanka goobtaasi.

Jimcihii, Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa waxa ay isku raaceen inay ka wadashaqeeyaan sidii gacanka Kuuriya loogaga ciribtiri hubka nukliyeerka.

Shirkooda ayaa yimid kaddib bilooyin Waqooyigu uu adeegsanayay hadallo kulkulul oo mararka qaar la dheehan karay saansaan colaadeed.

Sabtidii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu sheegay in muddo saddex ama afar todobaad gudahood ah uu kula kulmi doono hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.