Hay’adda World Vision ayaa sheegtay in dad ka badan 1.2Milyan oo dad ay ay saameyn ku yeesheen Roobka Guga iyo Fatahaadaha Wabiyada mara dalalka Soomaaliya,Kenya iyo Itoobiya.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda waxaa ay ku sheegtay in Soomaaliya tahay halka ugu daran ee Roobka Guga iyo Fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabeelle ay saameynta ugu daran ka geysteen.

Ku xigeenka Agaasimaha Bariga Afrika ee World Vision, Stephen Omollo, ayaa sheegay in  gudaha Soomaaliya ay daadadku saameeyeen dad gaaraya 718,000, oo qof,waxaa uu intaas ku daray in 220,000 oo Dadkaas ka mid ah ay barakaceen.

Dalka Itoobiya ayaa isaguna waxaa ku barakacay 170,000 oo qof,halka Dalka Kenya ay daadadka iyo Roobka Guga barakiciyeen dad gaaraya 311,000.

Stephen Omollo,ayaa sheegay in howlgalka gurmadka deg degga ah ee Hay’adda World Vision uu ka billowday Gobollada qaar ee dalalka Bariga Afrika si wax looga qabto dhibaatada ka dhalan karta haddii Fatahaadda iyo Roobka Gugaba sii socdaan.

Waxaa uu sheegay in boqolaal kun oo Carruur ah ay halis ku jiraan kuwaas oo aan heysan,Hooy,Cunto iyo Biyo,waxaana uu intaas ku daray in ay cabaan Biyo wasaq ah oo ay ka dhalan karaan cuddurrada faafa.