Hay’adda ReliefWeb,ayaa digniin u dirtay dadka ku dhaqan Koofurta Dalka Yemen iyo Waqooyi Bari Soomaaliya,waxaana ay sheegtay in Roob xoog leh oo dabeyl wata ay suuragal tahay in uu ka do’o degaannadaas.

Warbixinta saadaasha hawada ah ee ay Hay’adda soo saartay ayey ku sheegtay in Roobkaas iyo duufaantuba ay saameynta ugu badan ku yeelan doonaan Bariga Soomaaliya iyo Koourta Dalka Yemen.

Waxaa ay sheegtay in qatarta Roobka iyo Duufaanta aysan dhibaato badan ka geysaneyn dalka Jabuuti islamarkaana qatarta ay aad u hooseyso dhinaca Jabuuti.

Waxaa ay ku wargelisay dadka deggan Koofurta Yemen iyo Waqooyi Bari Soomaaliya in ay u diyaar garoobaan Roobka dabeysha wata.

Warbixinta Hay’adda Reliefweb ayaa lagu sheegay in sidoo kale daadka ka dhalanaya roobka uu saameyn taban ku yeelan karo dadka iyo duunyada degaannada uu Roobka ka hoorayo.