Madaxweynihii hore ee dalka mareykanka Brack Hussein Obama ayaa sheegay in loo bahan yahay in la balaariyo dagaalka ka dhanka ah argagaxisada gaar ahaan shabaabka ka dagaalama soomaaliya.

Sebtember 14kii sanadii 2001 ogolaansho isticmaalka ciidanka militaryga ee dalkaasi waxaa loogu talagalay in uu ogolaado dagaalka kadhanka ka ah xarakada Balse  saraakiishu waxay u adeegsadeen sababaha sharciga ah ee ciidamada  Mareykanka ah ee dagaalka kula jira ururada argagaxiso ee kadagaalama guud ahaa geeska Africa

Dhanka kale 3 bil gudaheed,waqtigii uu talada dalkaasi marekanka hayay madaxweyne Obama ayaa sidoo kale  mar kale la ballaariyay dagaalkii caalamiga ahaa ee Maraykanku ku qaaday ururada argagixisada, isaga oo ku dhawaaqay inuu si rasmi ah u heystay  fasax ku aadan in uu howlgalo lagu cirib tiri karo ururadaasi uu kuqaadi karo saldhigyada ay ku leeyihiin caalamka kadib markii sanatorada aqalka cad ee looga arimiyo dalkaasi marekanka ay fasaxa u kordhiyeen.

Obama intii uu kusugnaa xafiiska aqalka cad ee marekanka ayaa weeraro xoogan waxaa ay ciidamo gaar ah oo marekanka kasocda ay ka geeysteen qeybo kamid ah soomaaliya gaar ahaan goobo ay ku sugnaayen Xarakada Alshabab.

Madaxweynihii hore ee dalkaasi marekanka brack obama ayaa mudo 8 sana ah madaxweyne ka ahaa dalkaasi mareykanka iyadoona doorasho kadhacday dalkaasi sanadii 2016kii halkaa oo ay uwada tartamayeen madaxweynaha haatan talada haya ee dalkaasi Donald Trump iyo xoghayihii hore ee arimaha dibada marekanka Hillary Clinton looga guuleystay doorashadaasi inkastoo obama uu u ololeenayay In ay doorashadaasi kusoo baxdo Hillary Clinton.