Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Maxkamad ku taalla Magaaladaasi ay Saddex sanno oo xabsi ah ku xukuntay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow).

Maxkamadda racfaanka ah ee gobolka Maroodijeex waxay saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Boqor Buurmadow, kaddib markii uu racfaan ka qaatay xukunkii maxkamadda gobolka Maroodijeex ee shanta sano ahaa.

Horay ayaa waxaa loogu xukumay 5 sano laakiin racfaan ayuu ka qaatay.

Boqor Buurmadow ayaa dhawaan kaga qayb-galay degaanka Carmo ee Puntland Caleemo-saarka beeldaajiye cusub, waxaana xukunkiisa lala xiriirinayaa hadal uu ka jeediyay munaasibaddii caleemo saarka beeldaajiyahaasi.