Shaqaalaha Kenyaanka ah ee Kaawada dhagaxa ka qoda Mandheera ayaa dhigay banaanbax ay uga cabanayaan xirnaanshaha lagu sameeyay kaawo qoddida.

Maamulka Mandheera aya labo todobaad ka hor joojiyay qodidda Kaawada kaddib markii weerarro dhowr ah oo ay AL-shabaab ku qaadeen shaqaalaha aan u dhalan degaanka ay dad badan ku dhinteen.

Arrintaas waxaa ay sababtay in dowladda dhexe ay amarto in shaqaalaha aysan shaqo tagin iyaga oo qaarkood ku laabtay degaannada ay ka soo jeedaan halka kuwo kalena ay Mandheera iska joogaan.

In ka badan 50 Qof oo shaqaalahaas ka mid ah ayaa waxaa ay Banaanbax ka dhigeen Magaalada Mandheera,waxaana ay dowladda Kenya ka dalbadeen in ay dib ugu fasaxdo shaqadooda ama dib ugu celiso halkii ay ka soo jeedeen.

Qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa laga saaray Guryihii ay ka degganaayeen Mandheera kaddib markii ay iska bixin waayeen lacagaha kirada ah ee guryaha ay ku degganaayeen.

Banaanbaxooda waxaa ay ku tageen xafiiska guddoomiyaha Gobolka Mandheera Kutswa Olaka,waxaana loo sheegay in uusan soo baxeyn oo uu xafiiska ku jiro.

Dowladda waxaa ay horay u sheegtay in shaqaalaha aysan degaannadaas ku laaban Karin ilaa Ciidamada Kenya ay ka dhameystaan howlgal ka dhan ah AL-shabaab oo ay ka fulinayaan degaankaas.

Henry Ogoro,, oo hoggaaminaya shaqaalaha ayaa dowladda ku eedeeyay in ay dafireyso xuquuq ay leeyihiin oo ah in ay shaqeystaan,islamarkaana ay nolol maalmeedkooda ka raadsadaan.

Kenya ayaa shaqada joojisay 4tii Bishan kaddib markii afar ka mid ah Kaawo qodayaasha ay dileen Al-shabaab weerar lagu qaaday degaankaas.

“Dowladda  ayaa xilligaas sheegay in ay howlgal ka billaabeyso degaanka si looga saaro AL-shabaab ilaa hadda ma jirto wax howgal ah oo laga fuliyay degaanka.Al-shabaab wey na ugaarsanayaan,waxaa ay la socdaan dhaq dhaqaaqeenna magaalada gudaheeda” ayuu yiri Samuel Muchina oo ka mid ah dadka banaanbaxa dhigayay.