Guddiga difaaca Maamulka Puntland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa waxaa ay uga warbixiyeen xaaladda degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool.

Guddigu waxaa uu  sheegay in dagaalka Tukarraq uu yahay mid Puntland ay ku dooneyso in ay dhulkeeda ku soo ceshato islamarkaana ay wadayaan ilaa ay Gobolka Sool ka qabsadaan.

Afhayeenka Maamulka Puntland C/llahi Quraan Jecel ayaa sheegay in Maamulka Puntland uusan wax wadahadal ah ka geleyn colaadda Gobolka Sool,Puntland ay dooneyso dhulka ka maqan.

Waxaa uu sheegay in Maamulka Puntland uusan Dowladda Federaalka ah wax wadahadal ah kala galeyn dhulka ka maqan Puntland islamarkaana ay soo ceshaneyso.

Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa isku haya Gobolka Sool,gobolkaas oo uu maamulkasta sheeganayo in uu ka tirsanyahay.

Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa 8ddii January 2018 la wareegay Degaanka Tukarraq,waxaana xilligaas ay ku beegneyd sanadguurada 4aad ee xil heynta C/Wali Gaas.

Puntland ayaa markeeda weerar ku billowday dhinaca Somaliland 15kii May oo ay Somaliland xuseysay maalinta goonni isutaaggeeda,xilligaas wixii ka dambeeyayna labada dhinaca ayaa dhowr jeer ku dagaallamay degaanka Tukarraq iyada oo ilaa hadda aysan jirin cid horumar ka sameysay marka laga reebo in naf iyo maal lagu waayay.