Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada qalabkas ida ayaa Maanta axa ay xukun ku riday rag loo heysto weerarkii lagu qaaday 28-kii Bishii Octooper ee Sanadkii 2017 Hotelka Naasa hablood  ee Magalada Muqdisho.

Maxkamada ayaa dhawaan soo gaba gabeysay dacwada loo heystay saddexda eedeysane oo kala ah Farxaan Maxammed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule,

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in ragas loo heysto weerarkii hotelka Naasa Hablood 2 oo ay ku geeriyoodeen 18 ruux halka ay ku dhaawacmeen 43 qof oo kale.