Waxaa jiri doona 18.1 Malyan oo kiisas cusub oo cudurka Kansarka ah, waxaana sannadkan gudihiisa cudurkan u dhimanaya 9.6 malyan oo ruux guud ahaan dunida, sida lagu saadaaliyay warbixin la soo saaray.

Kororka ku yimid tiradan oo sannadkii 2012-kii ahayd 14.1 malyan oo kiis iyo 8.2 malyan oo dhimasho ayaa loo aaneynayaa iney qeyb ahaan sabab u tahay kororka dadka dunida iyo da’dooda oo sii weynaaneysa.

Qiyaastan ayaa ka dhigan in shantii rag ahba midkood, iyo lixdii dumar ahba middood, ay cudurkaan wajahayaan.

Maadaama ay dalalku hodan sii noqonayaanna, waxaa sii badaneysa tirada dadka uu ku dhacayo cudurkaan oo uu sababayo habka ay u nool yihiin dadka maal qabeenka ah, kuwaasoo ka badan markii la barbar dhigo dadka saboolka ah.

Hay’adda caalamiga ah ee cilmi baarista ku sameysa cudurka Kansarka ee magaceeda loo soo gaabiyo (IARC) ayaa mar kasta macluumaad ka soo saarta cudurkan iyadoo si dhow ula socota 36 nooc oo cancer ah oo ay diiradda ku saarto 185 waddan.

Cilmi baareyaasha ayaa sheegaya in iyadoo horumar laga gaaray hababka lagu cabbiro laguna uruuriyo macluumaadka ku saabsan cudurkaan haddana uu cudurkaan caalamka ku sii xoogeysanayo sannadba sannadka ka dambeeya.

War bixintii ugu dambeysay ee laga soo saaray cudurkaan ayaa lagu sheegay in noocyada kala ah kansarka sambabbada, kansarka naasaha iyo kansarka mindhicirrada ay kaligood masuul ka yihiin saddex meelood oo meel ka mid ah saameynta cudurkaan iyo dhimashada uu ka sababo guud ahaan dunida.

‘Xakameynta Tubaakada’

Aqoonyahannada qoray war bixintan ayaa sheegaya in cancerka ku dhaca sambabada uu horseed ka yahay dhimashada haweenka cudurkaan ugu geeriyooda 26 waddan.

Dalalka uu faraha ba’an ku hayo cudurkan waxaa ka mid ah Mareykanka, Hungary, Denmark, Shiinaha iyo New Zealand.

George Butterworth, oo ka tirsan hay’adda samafalka iyo cilmi baarista kansarka ee dalka Ingiriiska ayaa yiri “Tubaakadu waa dhibka ugu weyn ee sababaya in dumar aad u fara badan oo ku nool dunida uu ku dhaco kansarka sambabada mana aha mid horay uga dhacday dunida.

“Waddanka Ingiriiska gudihiisa, sigaar cabistu waxay noqotay mid ay dumarka ku badan yihiin xitaa markii loo eego ragga, marka la yaab ma laha inaan hadda aragno kororka xaddiga kansarka.”

Dhanka kale, Dr Freddie Bray oo ka tirsan hay’adda IARC ayaa yiri: “Arrintaan waxay muujineysaa sida loogu baahanyahay in hannaan xoog leh loogu dajiyo xakameynta tubaakada dhammaan dalalka adduunka.”

Cabista sigaarka waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu horreeya ee keena Kansarka

‘Kala duwanaansho qeyrul caadi ah’

Si guud, warbixinta ayaa lagu qiyaasay in ku dhawaad kala bar ka mid ah kiisaska kansarka iyo dhimashada uu sababo ay sannadkaan ka dhici doonaan dalalka ku yaalla qaaradda Aasiya, taasoo sabab looga dhigayo dadka faraha badan ee ku nool qaaraddaas.

Sidoo kale waxaa loo sii aaneynayaa in noocyo ka mid ah kansarka ay aad ugu badan yihiin gobolkaas.

Waxaa ka mid ah, tusaale ahaan, inuu aad ugu sarreeyo xaddiga kansarka ku dhaca beerka, kaasoo sida guud kaalmadiisu ay aad ugu yartahay dalka Shiinaha.

Marka arrintan laga soo tago, cilmi baareyaasha warbixinta soo diyaariyay waxay sheegeen iney jirto “kala duwanaansho qeyrul caadi ah” oo ku aaddan noocyada Kansarka ee ka jira dunida oo idlil.

Waxay sheegeen in dalalka looga baahan yahay iney tixgelin ku sameeyaan noocyada cudurkaas ee ku badan iyo sida lagu heli lahaa daawooyinka kaalmada ah.