Mareynka ayaa markale ku goodiyay in uu canshuuro dheeraad ah saarayo alaabaha ganacsiga ee uga yimaada Shiinaha sida lagasoo xigtay madaxweynaha dalkaasi Donald Trump.

Warbaahinta gudaha ee Mareynkanka ayaa maanta sheegay in canshuurtan uu madaxweyne Trump uu ku dhawaaqay ay gaarayso $200bn taasoo la saari doona Badeecadaha dalka Shiinaha uu u iib-geeyo Mareykanka, sida qalabka Elektoroniga iyo alaabo kale.

Madaxweyne Trump, ayaa shaqaalaha waaxda ganacsiga ku Amray in ay diyaariyaan Taarifooyin cusub Oo xagaagan lagu soo rogo dalka Shiinaha, taasoo xiisadda ganacsi ee u dhexeysa Washington iyo Beijing sii xumeyn karta, waxa uu Mareykanka ugu yeeray ganacsi aan cadaalad aheyn.

Saraakiisha ayaa weli ku howlan diyaarinta liista badeecadaha Tariifada cusub la saari doono.hase ahaatee lama sheegin wakhtiga rasmi ah ee canshuurta dhaqan geli doonto.

Tarifooyinka cusub ee haatan la soo rogay ayaa ku biiri doonto tii kal hore Mareykanka uu saaray badeecadaha Shiinaha oo gaaraysay $50bn, iyadoo dalka China uu ku jawaabay talaabo taa lamid ah.

7 Bishan, Mr Trump ayaa sheegay in $200bn Oo canshuur ah la saaray Badeecadaha China isla markaana $267bn Oo dheeraad ah lagu kordhin doono wakhti gaaban gudihiisa haddii loo baahdo.

Wada Hadalo ayaa jiray oo arintan lagu xalinayo, laakiin khamiistii aynu soo dhaafnay ayuu madaxweyne Trump sheegay in Mareykanka aan cadaadis lagu saari karin sidii heshiis loo gaari lahaa.